Sunday, 27 November 2016

       Xumaha ay xambaarsantahay Cilmaaniyadu!
Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh.
Inta ay ku gudo jirno qormadan waxa aynu isku dayi doonaa inaan si qoto dheer oo cilmiyaysan  uu lafa gurno waxa ay tahay cilmaaniyadu , halka ay kasoo jeedo,waxa dhaliyay soo if bixideeda iyo islaamka waxaa uu ka qaba cilmaaniyada. Anagoo dhinacyo badan iska taagi doonaa.
Waa maxay cilmaaniyad?
Cilmaaniyadu waa  erey asal ahaan Latiin ah ( Latin word ) oo micnaha uu xambaarsan yahayna  uu yahay in lakala dheereeyo ama la kala saaro diinta iyo siyaasada, ama waxa kale oo aynu oran karnaa cilmaaniyadu waa in doorka diinta lagu soo kooba cibaado oo kaliya ee aan si dhamaystiran loogu dabaqin nolosha gaar ahaan xaga isku xukunka.
Xagee ayay kasoo jeeda asal ahaan cilmaaniyadu?
Sanadkii 1846 ayay ahayd markii ugu horaysay ee usoo shaacbaxay ereygan cilmaaniyad iyadoo wadanka ingiriisku uu ahaa cidii ugu horaysay ee isticmaashay dhaqan galisayna,kadibna waxaa uu ku baahay badi wadamada reer yurub iyo calaamka intiisa kale.
 Maxaa dhaliyay soo shaacbixida cilmaaniyada?
Cabasho wayn iyo gadood ba,an oo ka dhashay nidaamkii xaakimada ee wadamada reer yurub oo xiligaas ay majaraha u hayeen wadaadada kiristaanka oo uu fadhigoodu ahaa kaniisadaha ayaa asaas u ahaa soo shacbixida fikirkaan kala saaraya diinta iyo siyaasada, kadib markii dadku ay xamili kari wayeen dulmigii iyo dhibtii ay kala kulmayeen wadaadada kaniisadaha ayay ubaahdeen inay ka hoos baxaan dhibtooda iyo shidadooda ,halgankii loogu jiray ka hoos baxa xukunkooda ayaa dhalay soo shaacbixida cilmaaniyada si ay u kala fogeeyaan siyaasada iyo diinta isla markaas ay isaga moosaan doorka kaniisaduhu ay ku leeyihin xukunka iyo hogaaminta.
                     Islaamka iyo cilmaaniyada?
Eebe wayne waxa uu quraankiisa inoogu bayaamiyay in diinta kaliya ee eebe agtiisa ay tahay diinta islaamka ( إن الدين عند الله الإسلام ),waa diin dhamaysiran oo isu dheelitaran dhan walba oo laga eego dhan siyaasadeed,dhaqaale,cafimaad,horumarineed,bulsheed iwm.
waa diin aan lahayn wax dhaliil ah oo lagu qoonsan karo,waa diin eebe nagu galadaystay si aan aakhiro iyo aduunba ugu badbaadno,waa diin kulansatay wax walba oo aadane ubaahan yahay, maadama bili,aadamka Eebe abuuray hadana sida uu abuuray ayuu dantooda iyo masaalaxdoodana uga badiyaa iyaga, diinta islaamku waa sharci iyo nidaam buuxa oo dhamaystiran.
Ma jiro qof islaamnimadiisu dhamaystirantahay oo diinta islaamka la,aanteed noolaan karo,hadaba cilmaaniyadu waxa ay dadka musliimiinta ah ee diinta islaamka u nasab sheegta ugu yeeraysa diin la,aan iyo habow. Eebe waxaa u yiri (فَتُؤْمِنُونَ بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ ) kitaabka qaybna ma rumaynaysaan qaybna ma ka galoobaysaan.
sida salaada,soonka,sakada iyo xajku ay waajibka u yihiin ayaa in la isku xukumo kitaabka Allena waajib u yahay, hadaba hadii alle iyo rasuulkiisu nafareen inaan kitaab eebe isku xukuno iyo sunnada rasuulka, cilmaaniyadu waxaa ay  na faraysaa in lakala saaro siyaasada iyo diinta hadaba hadii aynu Islaam nahay kee ayaynu raacaynaa?. waxay ilatahay qof walba oo islaamnimadiisu toosan tahay inuu oranayo waxaan raacaynaa yeermada eebe iyo subaniihiisa.
cilmaaniyadu waxaa ay xamaabarsan tahay diin la,aan waa afkaar lidi ku ah gabi ahaanba diinta islaamka waa qorshe loogu tala galay in lagu dumiyo diinta islaamka,kadib markii ay socon waayeen fikrado badan oo ka horeeyey sidii nidaamku shuuciyada, khatarta cilmaaniyada iyo diin la,aanta ay huwan tahay waa arin muhiim ah oo loo baahan yahay in qof walba oo muslim ah uu u toog hayo kana warqabo iskana jiro si aan loogu dagin.
Badi wamada muslimka ah waxaa majaraha u haya dad aaminsan afkaartaas kala saaraysa nolosha iyo diinta, majirto wax horumar ah oo ay kusoo kordhisay marka laga reebo inay diintoodii islaamka ee xaqa ahayd ay ka fidnaysay mooye.
wadamadda reer yurub awalkii hore waxaa ay ahaayeen dad ku sugan mugdi iyo diin la,aan oo dan iyo baahi baa ugaysay inay qaatan afkaartan habowga ah, balse ma jirto wax baahi ah oo wamadda muslimiinta ah u gaynaysa qaadashada afkaartan khatar ah ee diin la,aantu gundhiga u tahay maadama ay haystaan diintii islaamka ee xaqa ahayd.
si aynu uga baxno mugdiga,habowga,duliga iyo dhunsanaanta waa inaan diinteena suuban dib uga laabanaa iskana ilownaa afkaarta guracan ee ay ugu horaysa midan cilmninaaniyada loo yaqaan.
qofkii aan ogaynow ogow macnaha dhabta ee cilmaaniyadu waa diin la,aan iyo xaqa oo looga ambado,Ilaahay ayaan kaga magan galnay cilmaaniyada.

W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )
Email: Geeljire1900@gmail.com




Waxay ahayd hooyo wanaagsan!!!!!!
Caasinimadu wa mid kamid ah waxyaalaha laga ducaysto.  ALLE  ayan ka magan galnay inan ka mid noqono kuwa waalidkood ku caasiyooba.(aaamiiinnn).
Waxaan tagay xarun ka mid ah xarumaha caafimadka Bosaso si aan uga soo uruuriyo xog aan ugu talo galay buugayga qalin jabinta jamacada, waxan arkay arin dareenkayga soo jiidatay runtii,
 waxaan ku jiray gudaha hoolka xarunta caafimadka, inta badan hooyooyin ayaa keena caruurta xarumaha cafimadka oo indhahaygu ma qaban aabbayaal sida caruur si ay u daweeyaan, ilmo yar oo saaran dhabta hooyadiis ayaa aad u ooyay hooyadii ayaa isku dayday in ay aamusiiso lkn way u suurto gali wayday, banaanka ayey ula soo baxday si ay u aamusiiso maadama dadkii xarunta ku sugna ay yara dhibsadeen, waan so baxay si aan xaalada uga war hayo, waxay la fariisatay geed hoostiis way u sheekaysay, waliba la qososhay sidii in u sheekada fahmay, aad ayu u yara ilmuhu lkn waxa mucjiso ahyd habka uu ugu dhoocadeynayo hooyadiis sidii qof sheekada fahmaya, wax yar ka gadaal waxa uu bilaabay oohintii, hooyadii ayaa xal kale oo ay ku amusiiso raadisay, waxay soo jartay caleenta geedka ay hoos fadhiday way u ruxday waliba u dhoolacadaysay si uu farxad u dremo oo uu u aamuso, wuu yara aamusay, lkn nasiib daro hadana wuxuu bilaabay si lamid ah sidii hore, wuu ooyay oo ooyay, wan yaabay markan hooyadu xeelad nooce ah ayey adegsan doonta si ay u aamusiiso ilmaha, way kacday waxay u dhaqaaqday dhinaca xarunta waardiyaha, waxay waydiisay bal in uu hayo wax un lacag soomaali sarif ah, wuxuu u dhiibay xooga soomaali ah, qaar ayey u celisay, lkn bananka ayey u baxday wax yar ka dib waxay soo laabatay iyda oo biyo sida, waxay siisay biyihii qaar kale oo biyha ka mid ah ayey ugu dhaqdhaqday markas ayuu aamusay oo qoslay way u sheekaysay markaas ayey la xarootay iyda oo la dhoola cadaynaysa, waxan waraysty maamo kle bal in ay iiga waranto xaalkan, waxay hadal iigu soo koobtay muxuu noqon doona abalka hooyada sidan u dhiban, Malaga yaaba in uu ku caasiyoobo, halkii ayan uga ducaynay in uu ilahy siciid uga dhigo oo uusan caasi ku noqon.  Wuxuu ahaa ilmo haraad dreemaya.
ILLAAHAY HA INOO ILAALIYO HOOYOOYINKEENA AAKHIRO IYO ADUUNBA!!!!!
ALLA MAXA NIN RAG AH IYO GABAR DIRIC AH DHIB LAGA SOO MARAY!!!!!!!!!!!
HOOYOOYINKEEN WAXAY DHUMIYEEN RAAXADOODA SI AAN U RAAXAYSANO!!!!!!!



MACNIHII WADANINIMO WAX II MEERSHA MAAN ARAG!!!!! W/Q: GUURE IYO KAMBALE
Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo an xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.
Asallamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
Waxaan  halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo ka hadli doonta wadaniyada anagoo kala ah labada Qoraa ee Qoraa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame( Guure) iyo Qoraa Cabdiqaadir Ibraahim Axmed (Kambale) eeka bogasho wacan.
waa maxay wadaninimo?
1-Wadaninimo waa dareen ku abuuran dadka oo muujinaya daacad u ahaanshaha dalkooda iyo sidoo kale in ay ku faraxsanyihiin kuna qanacsanyihiin dhulkooda waliba aaminsanyihiin in uu ka fiican yahay kana muhiimsan yahay dhulalka  kale ama dalalka  kale.
2- Wadaninimo waa rabitaanka dad wadaaga dhaqan, taariikh ama luuqad ay ku doonayaa in ay suurta galiyaan qaran go’an oo madax banaan oo ay iyagu leeyihiin.
Soo if baxa  wadaniyadu waa wax fac hore ku xusan, lahaanshada callan, astaan qaran  iyo qaarad ku tusaysa xadi dhul ee aad leedahay  ayaa aasaas u ah  abuurka  dareenka wadaninimo, si loo ilaasho jiritaanka dhamaan waxyaabaha aan soo xusnay waa in la helaa dareenkan waliba aad u xoogan.
Waa side heerka wadaninimo ee dhalinta soomaaliyeed?
 Dadka soomaliyeed in ka badan 70 %  waxay ka yar yihiin 30 sano (UNDP) tan ayaa ku tusaysa doorka dhalinta soomaliyeed in uu yahy mid wayn oo saamayn ku yeelan kara jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed, dhib ka jira ayaa ah in inta badan dhalintu ay dhasheen inta lagu guda jiray mugdigii waayaha Soomaaliyeed oo ah xilligii ka danbeeyey burburkii qaranka soomaaliyeed, tan ayaa suurta gal ka dhigaysa in aysan dhalintu helin fursad ay ku dareemaan qiimaha qaran iyo wadaninimo maadaama aysan lajaan qaadin qaran dhisan.  soo ifbaxa ficilada foosha xun oo ay qabyaaladu kow ka tahay ayaa iyaguna si wayn u kaalmaynaya in dhalintu aysan fursad u helin iy ay dareemaan dareenka quruxda badan ee wadaninimo iyada oo mid kasta fikirkiisa lagu koobay reer iyo qabiil. U boqoolida dalalka shisheeye ayaa hagardaamo wayn  ku ah dareenkan.
Miyuu jiraa qorshe kor u qaadis heerka dareenka wadaninimo ee dhalin yarada?
Goobaha sida aadka u saacidi kara kor u qaadista heerka wadaninimo ee dhalinyarada ayaa ah goobaha waxbarashada, laakiin nasiib daro 42% caruurta soomaaliyeed ayaa aada iskuulka taas ayaa muujinaysa in ay jiraan caruurbadan oo aan helin fursad waxbarasho, taas macnaheedu waa ma haystaan fursad ay ku dareemaan wadaninimo iyadoo manhajka waxbarasho laftiisu uusan taakulaynin barista wadaniyada ee ardayga hadana barashada qorista iyo akhriska ayaa sabab u noqon kara fahanka qormooyin hore ama kuwa cusub oo ka hadlaya wadaniyada mana jirto cid masuuliyad wayn iska saarta suurta galinta arintraan. Abwaanada ayaan ku tilmaami karnaa in ay door wayn ka ciyaaraan dareensiinta bulshada ee dareenka wadaninimo iyaga oo suugaantooda ku cabiraya qiimaha dhulka, callanka iyo lahaanshaha astaanta qurxoon ee qaranka.
Manhajka waxbarshada iyo kobcinta wadaninimada.
Manaahijta wax barasho ee dalka ayaan gabi ahaan taakulo toos ah ku lahayn kobcinta wadaniyada dhalinta, inta badan ma jirto casharo si toos ah loo siiyo da’yarta soomaaliyeed si ay fursad ugu noqoto in ay yeeshaan dareen wadaninimo, taas badalkeeda waxaa in  badan la baraa tariikhda iyo cilmiga juquraafiga ee dhulal kale, tan ayaa wax badan saacidin karta dabar go’a dareenka wadaninimo ee da’yarta oo an awalba cago badan ku taagnmaynm.
Halku-dhiga  qoraalka
Gayigayga hooyow
Qof kastoo ka gaabiya
Geedi socodka calakiyo
Gurmadkiyo socdaalkyio
Quruxdeeda gobanimo
Wuu garwaaqsan doona
W/C: Abwaan C/qaadir Xuseen
Gabogabo
Guntii iyo gabogabadii waxaa cad in ay habacsanaan wayn ka muuqato abuurka dareenka wadaninimo waliba dhalinta ayaan fursad wayn u helin hilimo ay ka daalacdaan arintan, dawlada ayaan xoog saarin in ay dhalinta garaadkooda ku kobciso wadaninimada, abwaanada ayaa aad u halgamaya si ay u buuxiyaan booskaan in lagu dhiiri galiyo ayaa iyaduna aad u haboon. Waxaan si toos ah ugu baaqaynaa in la dardar galiyo abuurka dareenka wadaninimo lana kobciyo garaadka dhalinta eek u aadan qiimada dalka, callanka iyo astaanta qaran.waxaan sidoo kale magaca uga mahadcelinayaa kooxda qaylodhaan.
Wabilaahi towfiiq
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure) iyo Cabdiqaadir Ibraahim Axmed (Kambale)

                Emails:abdelrahmangure@gmail.com///geeljire1900@gmail.com
HAL-QABSIGII IYO XIKMADIHII DADKII HORE.
Qormadan waxaan kugula wadaagayaa qaar ka mid ah hal-qabsigii iyo xikmadihii dadkii hore, waxaan rumaysnahay in ay jiraan dad badan oo xikmad ehel la ah, waxaan xooga u saaray xikmadaha dadkii hore wa in aan dadka xasuustan xikmadahaas kana faa’iidaystaan, maahmaah fog baana tiri (dad waa kii hore hadalna waa intuu yirri.).
1-   Qofna ha canaanan si aan adiga laguu canaanan.
2-  Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”.
3-   Geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya ee mahan qofka oo ay cabsidu ka guurto.
4-  Masaafada u dhaxaysa riyada iyo runta waxaa la yiraahda ficil. La imow ficil si riyadaadu ay isugu rogto run.
5-   Saaxiibka beenta ah wa sida harka oo kale, had iyo jeer wuu kula socda xilliga aad iftiinka ku jirtid lkn ma arkaysid xilliga aad mugdiga ku jirtid.
6-  Intii hankaagu jiro ayey dadnimadaadu jirtaa.
7-  Farxadu waxay kaa dhigaysaa mid wanagsan oo la jeclaysto, isku day inaad abidka faraxsanaatid.
8-  Waligaa kuma noolaanaysid nolol farxad leh hadii ad ka walwalysid waxa ay dadka kale kaa aaminsanyihiin.
9-  Qurux ma ahan in aad leedahay waji nuuraya lakiin waa in aad leedahay maskax qurxoon, wadne qurxoon iyo naf naf qurxoon.

10-              In aad wax dhagaysato waa faaiido, in aad wax akhrisaa waa horumar balse in aan wax qortaa waa haybad.
11-               Waqtigu wuxuu go’aamiyaa qofka aad la kulmayso nolosha, qalbigaagu wuxuu go’aamiyaa qofka aad rabto nolosha laakiin dabeecadaada iyo dhaqankaagu waxay go’aamiyaan qofka kula joogaya nolosha.
12-              Hadii aad doonaysid in aad gaartid horumar aan macquul ahyn oo sare u fakar si aan loo fakarin.
13-               Taariikhdaada iyo hab nololeedkaaga ayaa ka turjumaya qofka aad tahay, laakiin adiga ayaa ka masuul ah qofka aad noqon doontid mustaqbalka.
14-  Waqtigu waa khayraadka noloshaada, waa khayraadka kaliya ee aad haysatid, waxaad go’aan ka gaari kartaa sida aad u bixinaysid khayraadkaas hubi halka aad ku bixinaysid iyo waliba sida aad u bixinaysid khayraadkaas.
15-              Tuugu waa midka ku xada, dilaagu wuxuu laaya dadka, laakiin beenlow ma lahan jaho loo raaco.

Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)



ASAL GUURKA AFKA HOOYO IYO HABACSANAANTA U HIILINTIISA!!!!
Waxaan halkan idiin kuso gudbin doona maqaal an xooga ku saarayo ififaale asal guur luuqadeed oo ku socda afka hooyo iyo  dib u dhac iyo habacsanaan ka muuqata in la muquuniyo ama la hor istaago asal guurka afka soomaaliga. Arintan  ayan u arkay in ay lagama maarmaan u tahay in wax laga qoro lagana hadlo.
 Miyuu jiraa asal guur afeed?
Sida laga dheehanayo hab dhaqanka bulsho waynta soomaaliyeed ee xiligan waxa dhab ah in la dareemayo dabar go’ iyo asal guur si dardar leh ugu soconaysa afka soomaaliga.
Isticmaalka luuqadaha qalaad ee nolosha caadiga ah sida qaadashada magacyo qalaad ama ereyo qalaad kuwaas oo badalay ereyo iyo magacyo soomaaliyeed ayaa muujinaya sansaan asal guur afeed.
Tusaale waxaa asal doorsoomay magacyada raga iyo haweenka waliba naynaasaha ayaa hada noqday kuwo gabi ahaanba asal guuray badankood, waxay dhagahaagu maqlayan  qof loogu wacayo macag ama naynaas qalaad, laakiin waxaa cajiib ah sida uu qofkaasi ugu riyaaqsan yahay.
Magacyada goobaha ganacsiga iyo ereyada nolosha quseeya ayaa ah kuwa ka turjumaya sida xaalku yahay. Casharada dugsiyada ayaa badankood ku baxa luuqado qalaad taas oo kaabid  iyo caawin xoog leh u noqonaysa dabargo’a luuqadeed, hadii ad dib u milicsano muqararka wax barasho ee dugsiyada sare oo muujinaya in ardaygu helo 2 xiisaadood oo afka-soomaaliga lagu baro iyo 5 xiisadood oo afka ingiriiska lagu baro ayaa sawir guud kaa siinaysa sida ay suurta gal u tahay asal guurka afeed ee goobaha waxbarashada.
Deegaanada iyo magaalooyinka ayaa ah mid sawir ka bixin karta sida ay bulshadu ugu xiran tahay luuqadeeda, barisamaadkii deegaanada la magaaleeyey dhamaan waxa laga dheehanayaa  sida afka-soomaaligu uu u ahaa muhiim magac bixinta, magaalooyinkii hore waxaa ka mid ahaa Ceerigaabo, Kalabayr,Burtinle,Laascaanood IWM, laakiin deegaanada hada la magaaleeyey ayaa kuu muujinaya in ay jirto sansaan asal guur luuqadeed, waxaa lagu magac dhabaa magaalooyinka cusub magacyo luuqado qalaad sida Daarasalaam, Faluuja IWM.
Ma jiraa dhaqdhaqaaq lagu hor-istaagayo asal-guurka afka hooyo?
Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo badan oo looga hortagayo arintan, laakiin hadana saamayntu ay kooban tahay, koobnaan  ta saamaynta dhaqdhaqaaqyadan aya loo aanayn kara sababo badan. sida ololihii soo noolaynta afka hooyo  ee sanadkan ka bilowdo muqdisho, wuxuu ahaa olole wax badan ka katari karay hor istaagida asal guurka afka iyada oo dadka lagu war galinayey in ay goobahooda ganacsiga ku qoraan magacyo soomaali ah, hadana marka loo eego gayiga afka soomaaliga looga hadlo oo balaaran saamaynta ololahaan ayaan wax badan hor istaagi Karin.
Abwaanada,Qoraayada,Warbaahinta iyo dhalinyara ayaa si wayn ugu istaagay u hiilinta afka iyaga oo dhaqdhaqaaqyo badan oo kala duwan sameeyey si loo hor istaago aafada asal guurka afka.
Abwaano badan ayaa curiyey suugaan ay ku cabirayaan qiimaha afka iyo muhiimadiisa si ay bulshada ugu cadeeyan in uu afku yahay hanti la hubo.
Abwaan Xasan C/laahi Ganey ayaa ka mid ah abwaanada maansooyinkooda ku cabiray sida ay ula dhacsanyihiin afkooda ayna u ilaashanayaan wuxuuna yiri:-
-habeen iyo nin liita
-dhaqankiisa hiifee
-afka inaan ka haajiro
-waan iskala hanwaynahay.
Abwaanad Hodan shiikh Cumar ayaa iyaduna maansadeeda ku baraarujisay bulshada in ay iska jiraan afafka qalaad, waxaana ka mid ahaa maansadeedii:-
-ereygii qalaad inaga jira, waa ibtilo jaane.
-oo aruursha suugaanta iyo, arar afeedka.
-isirkeena weeyan afkani, Ab iyo Oodeene.
-allahayow adigaa noo gartaye, ereyga noo xooji.
Abwaan Bashiir Cabdiraxmaan Diiriye (Quule ) ayaa isaguna tixdiisa ku yiri isaga oo dhiiri galinaya in bulshadu ilaashato luuqadeeda:-
-Murtida luuqadeena hooyo
-waxa magaceeda gaabshay
-Kuwii maarayn lahaaye
-Hadaan markan loo istaagin.
-Macnuhu waa dhumahayaaye.
-Muhiimada haatan Saara.
-Macaansada luuqadiina.
Qorayaasha ayaa iyaguna kaalin wayn ka qaatay noolaynta afka waayo waxay suurta galiyeen qoraalo iyo buug kuwaas oo wax badan ka suurta galin kara hor istaagida asal guurka afka hooyo.
Warbaahinta ayaa iyaduna si wayn uga qaybqaadatay noolaynta afka,  idaacahada ayaa suurto galiyey  barnaamijyo u gaar ah afka, suugaanta iyo dhaqanka.
Dhalinta ayaa iyaguna hardan wayn u galay hor istaagida asal guurka afka, qabashada bandhigyo suugaaned iyo buugeed ayaa suurta galin kara inu wax wayn ka caawiyo dhaqdhaqaaqyada hor istaaga asal guurka luuqada.
Halku-dhiga  qoraalka
Afka waw halgamaya
-Haduu eray kasoo haro
-Isagaan huwanayaa
W/C:  Abwaan Xasan C/laahi Ganey
Guntii iyo gabo gabadii waxaa xaqiiq ah inuu jiro asal guur afeed oo si dardar leh u socda, laakiin waxa aan la iska indho saabi Karin in sidoo kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo badan oo lagu hor joogsanayo asal guurka luuqada, waxaa muhiim ah in bulshadu ay ka qayb qaadato noolaynta afka waana waxa ugu muhiimsan.
Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)
                Email:abdelrahmangure@gmail.com


BILICDA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA  MIYAA LAGA QUUSTAY.!!!!!!!! W/Q:GUURE
Maqaalkan waxaan diirada ku saari doona sida magaalooyinka Soomaaliya ay ugu baahan yihiin qorshe bilic dhowr iyo qashin tuur wanagsan oo deegaanadaas ka caawiya bilicda iyo muuqaalka.
Waa sidee bilicda magaalooyinka Soomaaliya?
Waxaan daah saarnayn in bilicda magaalooyinka Soomaaliya ay si wayn u kharibantahay, waxay indhahaagu qabanayaan afaafka magaalooyinka waaweyn oo qashin tuuran yahay , tan ayaa saacidaysa in magaalooyinku ay waayeen bilicdii iyo quruxdii magaalonimo oo ay istaahilaan in ay yeeshaan. Waxaa fagac iyo yaab ah in marka aad galaysid afaafka magaalo waawayn oo kasta oo Soomaaliya  ku taala aad la kulmaysid wax aad u fool xun oo runtii xita suurta galin kara in aad sawir fool xun ka qaadatid magaaladii aad u riyaaqsanayd, tan ayaa u baahan in wax badan laga taxadaro oo wax badan laga qabto runtii.
Side xal loogu heli  karaa dhowridda billicda magaalooyinka?
Abuurida shirkado qashin tuuris(waste disposal companies) iyo qorshe dagsan oo lagu dhowrayo bilicda magaalooyinka  ayaa ah xalka ugu cajiibsan oo haddii la helo aan rumaysnahay in wax badan ay iska badali karaan bilicda magaalooyinka, haddii ay suurta gasho abuurida shirkado howleedka noocan oo kale ah waxay ahaan doonta fursad dad badan u noqon karta shaqo abuur xoog leh, ganacsatada ayaan aad ugu dhiiri galinayaa in ay suurta galiyaan firkadaan ganacsi oo aad u caawin doonta suurta galinta bilic qurxoon oo ay yeeshan magaalooyinku qaybna ka ahaan doonta shaqo abuurka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dadkeena.
In dadka lagu baraarujiyo in ay ka qayb qaataan dhowrida bilicda iyo muuqaalka magaalooyinkooda ayaa saameyn wayn yeelan karta, baraarujintan oo la mariyey warbaarinta noocyadeeda kala duwan ayaa saacidi karta dhowrida bilicda magaalooyinka, aan idinla wadaago sheekadan:
‘’Waxaan xili habeenimo ah dhex soconayey gudaha mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya, waxaa dariiqa I hor socday labo dumar ah oo shay aan u maleeyey jawaan wax ku jiidayey, wax yar haddii aan soconay waxay ugu baaqday mid ka mid ah gabdhuhu tii kale in ay tuurto jawaanka, hadalka ay adeegsatay ayaa aad iiga yaabiyey waxay ku tiri: “abaayo halkaan ayaa lagu tuura qashinka”.meesha ay u tilmaamayso ayaa ah xaafado dhexdood, wallow qashin hore uu yaalay hadana sii wadida ayaa ah wax fool xun, tan waxa looga hor tagi karaa in dadka lagu baraarujiyo in ay masuuliyad iska saran dhowrida bililcda magaalooyinkooda.’’
Dowladaha hoose ayaad mooda in ay kaalintoodii gabeen, ka qaybqaashadada dowladaha hoose ee dhowrida bilicda magaalooyinka ayaa macno wayn samaynaysa, dadka ayaad mooda in badankood ay yihiin ilku garaadle taas oo khasbaysa marba haddii dowlidii hoose ka seexatay in ay iyaguna ka seexdaan.  Is xilqaan la’aanta bulshadeena ayaa aad u caawinaysa arintan, taas oo haddii ay dawladaha hoose qaban waayan shaqada khasbaysa mid  sii xumaysa  bilicda magaalooyinka, waaxaha fayo dhowrka iyo bilicda magaalooyinka ayaa masuuliyad wayn oo aad moodid in ay gabeen ka saaran tahay dhowrida bilicda magaalooyinka.
Guntii iyo gabogabadii  waxan rumaysnahay haddii la suurta galiyo dhamaan hal qabsiga aan kor ku soo xusnay in ay suurta gal tahay in la helo magaalooyin bilicdoodu aad u sarayso oo waliba aad u qurxoon soona jiita indhaha bulsho waynta.
Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure)